Open Interface

Software Builder

Side Sawir looga qaada Shaashada Computerkada adigoon istcmaaleyn wax software ah (Cashir Kooban oo muhiim ah)

Aqiyarey kuso dhawaada Hooyga Barashada Computerka maanta waxan halkan  ku baran doona sida loo sawiro ama sawir looga qaado qeyb kamid ah Shaashada Computerka sidoo kale qaabkan waxa uu ka saacidaya in aad si fudud Filim ama Video aad daawanesay aad sawir ugala so baxdo adigoo Sawirayo.

Hadaba yaan hadal idin ku daaline la soco cashirka:

si aad shaashada Computerka  u sawirto raac Stepyada so socdo.

Step1:so kici waxa aad rabtit in aad sawir ka qaadid Tusaale ahan aniga waxan raba in aan sawiro  Gameka Turubka ee Computerka ku jiro.
Markaad so kiciso waxaad Taaban doonta mesha ay ku qoran tahay PRTSC oo Keybordka Computerka ku taal.

Image titled Take a Screenshot of the Entire Screen Step 1 

Step2:Taabo Keybordka mesha ay ku qoran tahay PRTSC  Si aad u aragto Eeg Sawirka Hoose Gaar ahan mesha Falaarta Gaduudan lagugu Muujiyay .

Step3:Markaad Taabto PRTSC waxa sameysay Sawir ama Screen Shot marka si aad Sawirkaas aad u aragto isla markaana aad ka jarato qeybta aad rabtit maxa yeelay waxa uu ku sawira shaashada oo idil si aad inta aad jaceshahay aad uga jaratit so kici  Paint  waxaa Paint ka hele Computerkada si aad Paint u heshid ku dhufo Star Button kadibna ku qor Paint waxa arkeysaa Sawirkas hoose kadibna ku dhufo.
Image titled Take a Screenshot of the Entire Screen Step 2

Step 4:marku kuso kaco Paintiga Past ku dheh Sawirkii aad waday adigoo dhahayo Ctrl +V ama Right Click kadibna Past.

Ogoow:Hadi aad Past ku dhahday ay wax kuso bixi wayan waxaad sameynesaa Markaad taabanesid PRTSC  waxaa la qabane FN waxa ay u dhawdahay  Windows Key Waxa ay bidix ka jirta Spaceka

FN+PRTSC (FN ayaad qabane kadibna taabo adoo heesid FN prtsc)

Image titled Take a Screenshot of the Entire Screen Step 3

Step5:markaad intaad rabtit ka jarato waxaad sameynesaa waa Savegareynesa   adigoo Taabanayo Ctrl +S

Image titled Take a Screenshot of the Entire Screen Step 4

Dhamaad 
Qore:Eng C/risaaq maxamed Rashiid
Wixii su’aal ah kuso dir:alaqsaa1996@gmail.com

Updated: July 30, 2017 — 1:16 pm

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Open Interface Software Builder © 2017 Frontier Theme
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com